Laba ruux oo ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay Degmada Hodan

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay gaari nooca raaxadda ah oo maraayay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan inuu halkaasi ku qarxay.

Gaarigaan oo ay wateen laba dhalinyaro ah, ayaa halkaasi waxaa dhaawac uu ka soo gaaray labadii dhalinyarada ahaa, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha ciidamada dowladda Degmada Hodan, ayaa sheegay qaraxa inuu ahaa nooca loo yaqaan dhajiska ee Shabaab ay ku xiraan gaadiidka.

Wararka waxa ay sheegayaan goobta qaraxa uu ka dhacay inay tageen ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo baaritaan ay ka sameeyeen.

Labada ruux ee gaariga wadatay illaa hadda ma cadda waxa ay yihiin, balse waxaa lagu soo waramayaa in goobaha caafimaadka la geeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkaan dambe xaaladeeda waxa ay tahay mid degan, iyadoo ciidamada ay kordhiyeen feejignaanta dhanka ammaanka caasimadda.

Faallooyin