Mareykanka oo gaadiidka aan rasaasta karin ugu yaboohay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya (SAWIRRO)

Mareykanka, ayaa maanta lix gaari oo kuwa aan rasaasta karin ah ugu yaboohay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, si loogu dardargeliyo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa gaadiidkan ka guddoomay Saraakiil ka socday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, ayuu gaadiidkan kula wareegay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, isagoo dhanka kalena kaga mahadceliyay Mareykanka.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in gaadiidkan lagu qaban doono hawlaha muhiimka ee Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ay ugu horeyso adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada.

Wasiir Mursal, ayaa Dowladda Mareykanka ku ammaanay inay garab taagan tahay Ciidanka Xoogga Dalka, oo dagaal kula jira Ururka Al Shabaab.

Comments