Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay hurinta colaada Sool

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waare ayaa ka hadlay dagaal shalay ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Faysal Cali Waare waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay qaadeen tilaabo horay loogu baahnaa maadaama uu sheegay in degaanka laga qabsaday ciidamada Puntland ee Tukaraq ay Somaliland leedahay.

Waxa uu taageeray dagaalka, islamarkaana uu bogaadiyay tilaabada ay ku qabsadeen ciidamada Somaliland deegaankaasi, isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ku haysay shacabka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland ayuu sheegay in ay hurinayaan colaad ka dhacda Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan gobolka Sool, waxaana Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland.

Faallooyin