Khayre: Xukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 hawlaha muhiimka ah oo ay haysay NISA

Raiisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaca ka qaaday in la xoojinaayo shaqada ay qabtaan ciidanka Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed.

Khayre ayaa sheegay sanadkaan 2018-ka in Miisaaniyada loo kordhiyay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somaliya, islamarkaana lagu daray qarash dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay qabato NISA.

Wuxuu sheegay Xukuumadda Somaliya inay ka go’an tahay sare u qaadida shaqada Nabad Suggida Somaliya si loo qabto shaqooyin muhiim u ah dalka.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 howlaha muhiimka ah oo ay haysay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,oo miisaaniyadda loogu daray qarash lagu xoojinayo Sirdoonka.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kahyre.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya xalay ka jeediyay munaasabada 48-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka NISA.

Comments