Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ka soo horjeestay heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug wada gaareen

Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa waxa ay ka soo horjeesteen Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku kala saxiixdeen Madaxtooyada Somaliya.

Xildhibaanadan waxa ay sheegeen heshiiskaasi inuu yahay mid aanan sax aheyn, maadaama aanan lagala tashan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Waxa ay tilmaameen Xildhibaanadan Galmudug inay ku dhisan tahay hanaan qabiil, islamarkaana shaqsiyaad aysan waxba ka bedeli Karin.

Heshiiskaas ayaa dhigaayay in Madaxweynaha Ahlu Sunna laga dhigayo madaxa Golaha Wasiirada ee Galmudug, sidoo kalena Ahlu Sunna soo magacaabaneyso Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, iyada oo calanka iyo magaca Galmudugna ay sidiisa ahaanayaan.

Lama oga sida Baarlamaanka Galmudug ay ku aqbali doonaan heshiiskaan dhexmaray Maamulada Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Comments