Madaxweynaha Puntland oo Isbitaalka Digfeer ku booqday askar ku dhaawacantay qarax ka dhacay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar ka mid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac  soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho si uu uga waraysto xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa  kasoo raynayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Comments