Maxkamad ku taal dalka Canada oo xabsi daain ku xukuntay muwaadin Somaliyed

Maxkamad ku taalla Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo lagu eedeeyay in 2008-dii uu Muqdisho ku afduubtay Gabar Wariye ah iyo sawirqaadaheeda kana  qaatay madax furasho gaareysa $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah. 

Cali Cumar Adeer ayaa lagu xiray Dalka Canada Sanadkii 2015-kii markaas oo uu ka degaayay Garoonka Diyaaradaha ee Ottowa. 

Cali ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in falka afduubka ah ee ka dhacay Muqdisho uu isaga ka ahaa turjumaan hayeeshee uusan ku lug lahayn afduubka Gabadha Reer Canada iyo sawirqaadaha Australia u dhashay ee la socday. 

Ehelka gabadhan ayaa bixiyay lacag madax furasho ah Bishii November ee Sanadkii 2009kii,waxaana 15 bilood kaddib xorriyaddooda dib u helay Amanda Lindhout oo ah Gabadha wariyaha ah iyo sawirqaade Nigel Brennan. 

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay ayey Maxkamadda socotay waxaana Cali uu Maxkamadda ka sheegay in uusan marna ku lug yeelan afduubka ee uu labada dhinac u kala turjumaayay,hayeeshee Garsoore Robert Smith oo ah garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Cumar lagu xukumay Xabsi daa’in falkaas afduubka ahna lagu helay.

Comments