Kooxo hubaysan oo Degmada Baraawe ku toogtay Nabadoon caan ahaa

Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose ku dileen Nabadoon caan ka ahaa Degmadaasi, xilli uu ka soo baxay masaajidka.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Saqaawu-diin ee Magaalada Baraawe, markii rag hubaysan oo Bistoolado wata ay beegsadeen Sayidnaa Xaajow Muukow oo caan ka ahaa Degmada Baraawe.

Dableyda hubaysan ayaa Masaajidka hortiisa ku sugeysay Nabadoonka, waxaana ay iska dhigeen dhalinyaro kubad ciyaareysay, markii nabadoonka uu soo baxay ayeeyna rasaas ku boobeen.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay ninka la dilay in horey uu u ahaa Janan ka tirsanaa Dowladdii Dhexe, hadana uu ahaa howlgab, oo 91-dii ay ugu dambeysay siyaasad.

Wuxuu sheegay Gudoomiye C/fataax dilka Marxuum Sayidnaa in ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, hadana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi.

Dhalinyarada fulisay dilka ninkaasi Nabadoonka ahaa ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumkaasi.

Comments