Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Gaalkacyo oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Puntland, ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray wuxuu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Gaariga uu watay Sarkaalkaasi oo ku sii jeeday goobtiisa shaqada, ayaa wararka waxa ay sheegayaan isaga oo maraya meel ku dhaw madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo inuu qarxay.

Dhaawac culus ayaa la sheegay in Sarkaalkaasi uu ka soo gaaray qaraxa, waxayna wararka sheegayaan in Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo loola cararay.

Sarkaalka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Magafe, wuxuuna ka tirsan yahay ciidamada Booliska Puntland.

Gaalkacyo ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo masuuliyadiisa ay sheegtaan Shabaab.

Comments