Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiil Midowga Yurub oo kormeeray Wasaaradda Gaashaandhigga

Wakiillo ka socda Midowga Yurub iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta tagay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo uu Ururka Midowga Yurub dayactiray. 

Ergeyga Midowga Yurub u joogta Soomaaliya,Wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiisha kale ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha Wasaaradda ee dayactirtka lagu sameeyay. 

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay dayactirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. 

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone,ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageerada Dowladda Soomaaliya ee dhinaca amaanka ah islamarkaana ay ka kaalmeeyn doonaan Soomaaliya dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. 

Wasiir Mursal ayaa Midowga Yurub ku amaanay garab istaagga dowladda Soomaaliya ee joogtada ah waxaana uu ugu baaqay in ay halkooda ka sii wadaan.

Comments