Wajiga labaad Shirka heerkiisa sareeyo oo maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeynaayo

Sida uu qorshaha yahay waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacaya shir heerkiisu sareeyo, oo loogu magac daray (Somali Partnership Forum), loogana hadlayo arrimo fara badan oo khuseeya xaalada dalka.

Shirkan oo uu Guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Qaranka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay shirkan in si gaar ah diirada loogu saari doono qiimeynta qorshaha xukuumadda, arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga, Qorsheynta iyo sidii loo fulin lahaa Mashaariicda hormarineed.

Waxaa shalay ilaa maanta aad loo adkeynayaa ammaanka Muqdisho, gaar ahaan xarunta shirkan ee Xalane, maadaama shalay si la mid ah uu dhacay shirka amniga oo looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dib u habeynta Ciidamada.

Comments