Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku rag lagu eedeeyay Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riday Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysnaayeen inay ka mid yihiin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay:

  • C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
  • Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
  • Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah
  • C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah. 

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato.

Comments