Gaari uu leeyahay Sarkaal Ciidan oo ku dhex qarxay Xarunta Villa Baydhabo

Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhaw ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray.

Gaariga ku dhex qarxay Taliska Villa Baydhabo ayaa waxaa leh Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, saaka ayuuna tagay Xarunta Taliska.

Gaarigaan oo meel yaalay ayaa qarxay, mana jirto cid wax ku noqotay marka laga reebo bur burka soo gaaray gaariga qaraxa lagu dhajiyay.

Saraakiisha Militariga gaadiidka yar yar ee ay wataan badanaa lama baaro marka ay galayaan xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan ku qarxay xarunta Taliska Ciidanka Villa Baydhabo, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho.

Comments