Laba ruux oo lagu dilay deegaanka Gafiir ee Gobolka Hiiraan

Ugu yaraan 2 Qof ayaa ku dhimatay kadib markii xalay saqdii dhexe lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Gafiir. 

Dhimashada labada qof iyo dhaawaca 3 kale ayaa laga wariyay degaankaas iyada oo ilaa hadda aan la caddeyn cidda dilkaas geysatay. 

Maamulka Gobolka ayaa ku baxay deegaankaas waxaana dadkii dhaawaca ahaa la geeyay Isbitaalka Weyn ee Magaalada Baladweyne si halkaas loogu dabiibo. 

Deegaanka uu falkan ka dhacay waxaa uu ka tirsan yahay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaas oo Jimcihii la soo dhaafay lagu weeraray Wafdi uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. 

Ilaa hadda ma kala cadda in weerarkaas ay geysteen Al-shabaab,Tuugo jidka gashay ama aano qabiil,sidoo kale Maamulka Gobolka Hiiraan kama hadlin dilka iyo dhaawaca xalay loo geystay dadka rayidka ah.

Comments