Wadooyinka qaar Muqdisho oo xiran iyo ciidamada badan oo lagu arkaayo

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Somaliya, kuwaasi oo si wayn amniga u adkeynaya.

Ciidamada dowladda ayaa xiray wadooyinka qaar ee Magaalada gudaheeda, waxayna dadka gaadiidka wata u sheegayaan inay dib uga laabtaan wadada.

Sababta loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay tahay, iyadoo maanta Magaalada uu ka dhacaayo Shir looga hadlaayo ammaanka, kaasi oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda iyo xubnaha qaybta ka ah dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo Saraakiil ka tirsan reer Galbeedka.

Ciidamada Booliska ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka, waxaana muuqata feejignaanta dhanka ammaanka.

Wadada aada dhanka School Plozia, ayaa xiran sidoo kale waxaa xiran wadada Sayidka iyo wadooyinka kale ee soo gala, halkaasi oo lagu arkaayo ciidamo amniga si wayn u adkeynaya.

Comments