Maydka qof shacab ah oo lagu arkay Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Ganacstada Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxa ay sheegeen inay arkeen maydka ruux la dilay oo Suuqa dhexdiisa yaala. 

Maydka ninkaan ayaa lagu arkay meel aanan ka fogeyn goob isla suuqa ah oo dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda deeganada Puntland iyo Galmudug. 

Lama oga cida dishay ninkaan maydkiisa lagu arkay Bartamaha Suuqa Magaalada Gaalkacyo, balse dadka waxa ay hadal hayaan labada dhinac midkooda inay dishay. 

Gaalkacyo oo dhawaan lagu gaaray heshiis nabadeed oo dib loogu furay Suuqa Magaaladaasi oo muddo saddex cisho dagaal dartiis u xirnaa, ayaa waxaa muuqata in aanan la adkeyn dhaqangalka heshiiskaasi. 

Ganacsatada Suuqa Magaalada Gaalkacyo ayaa goobtaasi ka qaaday maydka ruuxa la dilay ee jirkiisa rasaasta lagu arkay.

Comments