20 nin oo Shabaabnimo lagu eedeeyay oo lagu xiray Degmada Afgooye

Ugu yaraan labaatan nin oo si dhow loola xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu xiray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ammaanka oo xalay iyo maanta hawlgalo kala duwan ka sameeyay xaafadaha Degmada Afgooye qaarkood, ayaa waxay ku soo qab qabteen dhawr iyo labaatan nin.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuure Maxamed, ayaa galabta xaqiijiyay in dhawr iyo labaatan nin lagu soo qab qabtay hawlgalada Afgooye.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa waxa uu tilmaamay raggaaasi inay ahaayeen bartilmaameyd, isla-markaana ay iska cadahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida uu yiri.

Cali Nuure Maxamed oo wareysi siiyay BBC, ayaa iftiimiyay in raggaasi qaarkood lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay isu diyaarinayan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Comments