Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ee lagu qaaday gaadiidka Amisom

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo duhurnimadii maanta lagu qaaday gawaari ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Gawaaridan oo mareysay deegaanka Weedow oo ku dhow Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu weeraray baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo hal nin uu la socday.

Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, ayaa waxay ku sheegtay in gawaarida Amisom lagu galbinaayay Saraakiil Mareykanka u dhashay, isla-markaana uu weerarkoodu guuleystay.

Al Shabaab, ayaa qoraalka ku sheegtay in weerarkaasi ay ku dishay shan Sarkaal oo dalka Mareykanka u dhashay.

Ma jirto cid Al Shabaab ka madax bannaan oo xaqiijin karta sheega-shadooda ku aadan in weerarkaasi ay ku dileen shan Sarkaal oo Mareykanka u dhashay.

Comments