Qarax Ismiidaamin oo ciidamada Amisom lagula eegtay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya deegaanka Weydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayay deegaankaasi. 

Gaari NOAH ah oo uu kaxeynaayay ruux naftii halige ah ayaa la sheegay inuu ku dhuftay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Amisom, kadibna halkaasi uu isku qarxiyay. 

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in khasaare xoogan uusan ka dhalan qaraxaasi, balse ay wadaan baaritaanka khasaaraha inta uu la eeg yahay. 

Ciidamada Amisom ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa waxa ay u soo socdeen dhanka Magaalada Muqdisho, balse meel ku dhaw labaajada deegaanka Weydoow ayuu qaraxan ku qabsaday. 

Ciidamada dowladda oo tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa wadada xiray, waxaana socda baaritaan. 

Comments