Dowladda Somaliya oo sheegtay in la kordhinaayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inay sii wadeyso hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, iyadoo la adeegsanaayo dhanka dhulka ah iyo duqeymaha lala eeganaayo Saldhigyada Shabaab.

War ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu sheegay in dowladda ay dardargelinayso dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

 “Weerarada dhanka cirka ah iyo hawlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Naguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14-kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybahooda kala duwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Dowladda Somaliya ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo lagu wajahaayo deeganada Shabaabka ay ka maamulaan Gobolada dalka.

Comments