Wasiirka amniga oo maanta Kismaayo ka furaayo Shir looga hadlaayo ammaanka dalka

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose, waxaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah magaalada Kismaayo ka furmo shir ballaaran oo amniga looga hadlaayo.

Waxaa shirkaan ka qayb galaya wasiirada amniga ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka amniga gudaha ee dowladda Federaalka Maxamed Abukar Islow oo xalay fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta uu furo shirkaan.

Shirkaan ayaa ah mid diradda lagu saarayo dardar-gelinta amniga iyo sidii meel looga soo wadajeedsan lahaa Al-shabaab.

Comments