Ciidamada Puntland oo hawlgal ka wada Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari

Ciidamada ammanka Maamulka Puntland ayaa wada hawlgallo ka dhan ah Ururka Daacish ee ku sugan Buuraha Caal Madow iyo Cali Miskaat ee Gobollada Bari iyo Sanaag. 

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegaya in hawlgalkan ay sii wadi doonaan ilaa Ciidamada Ururka Daacish ee saldhigyda ku leh Buuraleyda Goolis ay ka saarayaan. 

Howlgallada ayaa xoogooda ka socda Tuulooyinka Beeliwacatay iyo Balidhidin,waxaana ay sheegayaan in si fool ka fool ah aysan wali isaga hor imaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish,haseyeeshee ay doonaan in saldhigyada Daacish ee degaannadaas ay baabi’iyaan. 

Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in Ururka Daacish uu ku sii fidayo degaannada Maamulka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Comments