10 ka mid ah dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo Muqdisho lagu soo celinaayo maanta

Sida qorshaha uu yahay maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo 10- ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasi oo helay daryeel caafimaad. 

Dhaawacyadan oo xaalado kala duwan ku sugnaa markii la qaaday ayaa muddo ku dhaw bil waxaa lagu dabiibaayay Isbitaal ku yaalo dalka Turkiga, iyadoo ugu dambeyn maanta la filaayo in Muqdisho la keeno. 

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Yariisow oo qoraal soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada ayaa sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo dhaawacyadan daryeel caafimaad u soo fidisay. 

“Waxaan u mahadcelinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo.” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed

2.Maxamed Ashkir Cawaale

3.C/salaam Cusmaan Saalax

4.Mahad Cabdi Sheekh

5.Maxamed Cali Wehliye

6.C/qaadir Maxamed Cabdulle

7.Istar Cali Maxamed

8.Mursal Sheekh Axmed

9.Cali Maxamuud Maxamed

10.Faaduma Xaaji Cali

Comments