Shabaab oo soo bandhigay hub la sheegay inay ku qabsadeen dagaalkii Buulo gaduud (SAWIRRO)

Xoogaga Shabaab ayaa soo bandhigay hub fara badan oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaalkii cuslaa ee ay  ku qaadeen xerada ciidamada deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose. 

Dagaalkaasi ayaa wuxuu dhacay 3-dii Bishii September, wuxuuna ku bilowday weerar ismiidaamin ah oo Shabaab ay ku qaadeen xeradaasi, kadibna dagaal toos ah ay ku galeen. 

Muuqaalo ay soo bandhigeen Shabaabka ayaa muujinaya hub fara badan inay gacanta ku dhigeen ciidamada Shabaab, hubkaasi oo isugu jira qoryaha Ak-47 iyo qoriga loo yaqaan Sabanka. 

Shabaab waxa kale oo ay soo bandhigeen laba ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen dagaalkii cuslaa ee deegaanka Buulo gaduud. 

Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Somaliya. 

Comments