Wasiirka Amniga Gudaha oo galabta gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Gudaha iyo wefdi uu horkacayo, ayaa waxay galabta gaareen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xubno uu horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), ayaa wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta ay Magaalada Kismaayo ugu sameeyeen xubnaha uu hormuudka u ahaa Wasiir Janan.

Wasiirka, ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo uu u yimid, sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

Booqashadan uu Wasiir Ducaale ku tagey Magaalada Kismaayo, ayaa ku soo beegmaysa, xilli maanta uu Magaalada Kismaayo ka furmay shir ay leeyihiin Wasiirada Amniga ee Maamul Goboleedyada, waxaana looga hadlaya arrimaha amniga ee dalka. 

Comments