Laba nin oo siyaabooyin kala duwan loogu dilay Degmada Kaaraan

Laba nin, ayaa saacadihii ugu dambeeyay lagu dilay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, mana jirto cid illaa iyo hadda dilalkaasi loo soo qabtay.

Mid ka mid ah labadaasi nin oo waayeel ahaa, ayaa waxaa maanta Degmadaasi Kaaraan ku dilay nin ka tirsan Ciidamada Dowladda, kaasoo dilka ka dib u suurtagashay in uu baxsado.

Ninka labaad, ayaa fiidnimadii caawa waxaa lagu dilay Waaxda Nageyle, ka dib markii rag bastoolado ku hubeysnaa ay ku soo weerareen goob uu ku sugnaa.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Cadaawe (Maxamed Dheere), ayaa si weyn looga yaqaanay degmadaasi, lamana garanayo cidda dishay iyo weliba sababtii keentay dilkiisa.

Dadka ku dhaqan Waaxda Nageyle, ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Dowladdu ay baaritaano ka sameeyeen halkii uu dilku ka dhacay, balse aanay jirin cid ay dilkaasi u soo qabteen.

Comments