Goobaha codbixinta Somaliland oo goor dhow la soo xiray

Sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland waxaa goor dhow la soo xiray goobaha codbixinta, ka dib doorasho aad loo codeeyay oo maanta ka qabsoomtay Somaliland.

Doorashada Madaxtooyada, ay waxaa ku tartamaaya saddex musharax oo kala metelaaya Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo UCID.

Kormeere-yaasha caalamiga, ayaa waxay sheegeen in doorashadu u dhacday si nabad ah, in ka badan kun iyo lix boqol (1,600) oo goobood oo codbixintu ay ka qabsoomtay, waxaana codeynaysay in ka badan toddobo boqol oo kun (700,000) oo ruux.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxay xaqiijiyeen in ay hadda bilaabatay tirinta codadka, waxayna musharaxiinta heli doonaan natiijada codadkii laga dhiibtay goob kasta.

Fiidnimadii caawa, ayaa waxaa hawada laga saaray barraha bulshada ku wada xiriirto, iyadoona la fasixi doono kolka la soo saaro cidda ku guuleysatay doorashadan.

Comments