Ciidamada Difaaca Kenya Ee Hawlgalka (Amisom) Oo Lagu Eedeeyay Inay Al-Shabaab U Fududeeso Dhoofinta Dhuxusha.

Hayada kormeerka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya iyo Erititiya ayaa warbixin cusub ku sheegay in ciidamada difaaca Kenya ee hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ay ku fashilmeen in ay dhaqangaliyaan mamnuucidda dhuxusha ay dhoofiso xarakada al-Shabaab.

Xarakada Shabaab ayaa waxa kasoo gala dhaqaala lacageed oo lagu qiyaasay ugu yaraan $ 10 milyan oo doolar oo u dhiganta (Sh1 bilyan) lacagta Kenya  sanadkiiba dhoofinta dhuxusha laga dhoofiyo dekedaha koonfurta Soomaaliya halkaas oo ciidamada  KDF ay joogaan, sida ay sheegeen guddiga Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada difaaca Kenya ee qaybta ka ah Amisom, oo ka taliya dekedaha Kismaayo iyo Buur Gaabo, aysan caawinnin mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay fuliyaan mamnuucista dhuxusha, umana fududeynin kooxda kormeerayaasha in ay la socdaan xaalada dekadaha dhoofinta dhuxusha.

Maahan markii ugu horeysay ee khubarada Qaramada Midoobay ay soo saaraan eedaymo sheegaya in ciidamada KDF aysan u hoggaansamin xayiraadda dhoofinta dhuxusha.

Kooxda kormeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka helaan dhuxusha $ 2 (Sh200) halkii kiish ee dhuxusha oo si sharci darro ah looga dhoofiyo dekedda Kismaayo.

Comments