Nin ka tirsanaa Ergadii Hirshabelle oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay waxa ay Suuqa Cirtoogte ee Degmada Hodan ku dileen Nin Oday ahaa oo ka tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ee xildhibaanada ku soo doortay magaalada Jowhar.

Kooxda dilka gaysatay ayaa Nabadoonka waxa ay ka toogteen qaybaha sare ee jirkiisa, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Xasan Jaciir ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoonka xalay lagu dilay Suuqa Cirtoogte, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii looga daba tegi lahaa raggii dilka geystay waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, inkastoo ilaa hadda aanan la sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Comments