Taliska Booliska oo beeniyay gaadiid Amisom leeyihiin in qaraxyo lagu fulin rabo

Taliska ciidanka Booliska Somaliya ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmahan la isla dhexmaraayay oo sheegaya in gaadiid ay leeyihiin ciidamada Amisom loo adeegsan doono qaraxyo laga fulinaayo Magaalada Muqdisho.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka General Muqtaar Xuseen Afrax, ayaa wuxuu sheegay in been abuur ay tahay wararkaasi oo lagu qal qalgelinaayo shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

 “Waxaa maalmahan soo noq-noqonayay kalmado ah in gaadiid qaraxyo ay magaalada ku jiraan, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan”ayuu yiri Kusimaha Taliyaha Booliska.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur Amisom laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka” ayuu hadalkaasi kusii daray Jen Mukhtaar.

Comments