Xildhibaano sheegay mushaarkooda shuruud in looga dhigay ka laabashada Mooshinkii Shariif Xasan ay ka keeneen

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay sheegeen mushaarkooda in shuruud looga dhigay ka laabashada Mooshinkii ay ka keeneen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadan oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo, ayaa waxa ay sheegeen in lagu wargeliyay in la siinaayo Mushaarka, haddii ay ka laabtaan Mooshinka ay ka keeneen Madaxweynaha.

Xildhibaan Faysal Sheekh Cawad oo kamid ah mudanayaashaasi ayaa warbaahinta u  sheegay in shaqsi ahaan isaga lacagtaasi loo soo diray, kadibna gaari lagu qaaday loona sheegay inuu ka laabto mooshinka, balse wuxuu tilmaamay markii uu arrintaasi diiday in dib looga celiyey lacagtii.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in maanta lacagihii gunada ahayd ee Saddex bil naloo soo tuuray, gaari ayaa la igu qaaday, meel ayaa la i geeyey oo la i yiri mooshinka ka laabo, markii aan ka diideyna lacagtii ayeey dib iiga ceshteen” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, xildhibaannadan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iney soo farageliso arrintaan oo ay dib u eegto lacagaha ay siiso maamulka K/galbeed.

Comments