Shacabka Somaliland oo maanta u dareeray codbixinta doorashada Madaxtinimada (SAWIRRO)

Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof walba uu codkiisa siin doonaa mid ka mid ah Saddexda musharrax ee tartamaya.

Codbixinta ayaa bilaabatay saakay abaare 6-dii subaxnimo, iyadoo la arkaayey illaa xalay saq dhexe dad ku soo qulqulaayey goobaha codbixinta si aanay safafka ugu dheeraan. doorashudana waa qof iyo cod.

Ammaanka guud ee Somaliland ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo dhanka kale ay jirto wacyigelin loo sameynayo dadka shacabka ah si ay nabadda u ilaaliyaan.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Loolanka ugu adag waxa uu ka dhaxeeya xisbiyada Kulmiye iyo Wadani oo wacdaro dhigay maalmihii ololaha doorashada. 

Comments