Rag hubaysan oo Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay askari ka tirsanaa Puntland

Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku toogatay askari ka tirsan Ciidanka dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland. 

Dilka Askariga ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana Maamulka Magaalada ay sheegayaan in xilliga dilka uu Askariga ku jiray howshiisa caadiga ah. 

Guddoomiyah magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland  Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dilka Askarigaas oo lagu magacaabi jiray Rooble Awle. 

Gudoomiye Maxamuud ayaa sheegay in xilliga dilku dhacayay Askariga iyo shaqaalaha kale ee dowladda hoose ay ka shaqeynayeen nadiifinta goob biyo fariisad ah oo uu Roobka ka da’ay magaalada Biya dhigay. 

Waxaa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland ay ka socoto nadaafadda degaannada biya fariisadka ah,waxaana uu intaas raaciyay in dowladda hoose ay ka go’antahay soo celinta bilicda Magaalada Gaalkacyo.

Comments