Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo is casilay

Waxaa gelinkii dambe ee maanta xilalkii iska casilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, C/rashiid C/laahi Maxamed.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa waxaa durbaba lagu soo maacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaasoo loo magacaabay General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod).

Wasiirka Gaashaandhiga, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu isagana is casilay, ka dib markii warqadda istiqaaladda uu u gudbiyay Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra'iisal Wasaare Khayre, ayaa ka aqbalay is casilaadda uu sameeyay Wasiirkiisii Gaashaandhiga, lamana sheegin waxa xilligan keenay in uu xilkaasi iska casilo.

Ma jirto wax faah faahin ah oo Xukuumadda Somaliya ay ka bixisay is casilaadda ay sameeyen labadan masuul.

Comments