Todobo ruux oo ku geeriyootay kadib Gaari ay la socdeen Shabaab oo ku qarxay duleedka Magaalada Baledweyne

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa wuxuu ku qarxay duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolkaasi Hiiraan.

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu yahay NOAH oo ay la socdeen todobo ruux oo ka tirsan Shabaab, wuxuuna ku qarxay Baabuurka deegaanka Durdur oo qiyaasitii 40-KM u jirta Magaalada Baledweyne.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugan Magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu sheegay Gaarigaan in la qorsheeyay meel ka mid ah Gobolka Hiiraan in lagu qarxiyo, balse qaraxaasi Shabaab uu dib ugu laabtay.

Aadan Maxamuud Calasow (Indha Buur) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay dadka deegaanka inay ku soo wargeliyeen arintaan. 

“Waxaa igu maqaalo ah alaab oo wixii qarxaayay inuu iyaga la qarxay, wuxuu kula qarxay deegaanka Durdur, Durdur Baledweyne ayeey dhanka Koonfureed ka jirtaa illaa 40-KM, todobo nin ayaa ku dhimatay meeshaas iyada ah, gaarigaan waxyaabaha qarxa ayeey la saarnaayeen.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Comments