Kenya oo sheegtay Shabaab inay isaga baxeen dhulka Kaymaha Boni ee dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa sheegtay kadib Hawlgalo ay Ciidameeda ka sameeyeen  Keymaha  Booni iyo Deegaanka Lamu in ay ku guuleysteen  in Al-Shabaab ay ka baxaan deegaannada xeebta ah. 

Agaasimaha hawlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri, ayaa sheegay in 5- ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo rasaas ah,Saddex garneyl iyo Waxyaabaha qarxa. 

Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii. 

Sidoo kale Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya  Joseph Kanyiri ayaa sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Xarakada Al-shabaab. 

“Al-Shabaab hadda waxa ay ku dhuumanayaan deegaanka Bodhei oo ka mid ah  Keynta Booni,waxa ay yihiin kuwo gambanaya,ma awoodaan in ay Ciidamada Kenya toos uga hor yimaadaan,waxaana wadnaa hawlgal aan dooneyno in aan cabsida Al-shabaab ee dadka deegaanka la kulmaan ku ciribtirno weyna dhowdahay.”

Comments