Wasiirka arrimaha Gudaha oo sheegay inay la hadlayaan cid kasta oo wax tabanaysa

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Somaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa) ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay la hadleyso cid kasta oo wax ka tabanaysa.

Wasiir Juxaa, ayaa wuxuu sheegay Dowladda dhexe qorshaheeda inuu yahay wada hadal iyo dib u heshiisiin in lagu dhameeyo wax kasta, waxaana taasi ay tahay qorshaha Dowladda ayuu yiri.

Juxaa ayaa sheegay kala feker duwanaanshaha jira inuu ka taagan yahay meelo kala duwa, sida Dastuurka, Kheyraadka iyo arrimaha Siyaasadda ee dalka ka taagan xilligan.

"Dib u heshiisiinta waa ay soconaysaa, waxa la isku haayana waa ay kala gedisan yihiin, kala heerar weeye, meelo kala duwan ayaa wax ka taagan yihiin, waxyaabo kale oo Siyaasadeed, Kheyraad iyo Dastuurba waa ay jiraan waqti ayeey qaadanaysaa, Cidii naga feker duwan oo naga maqan oo xabad nagu soo rideysa in aan la hadalno diyaar baan u nahay, dalkaan waa la wada leeyahay, aniga ma lihi Dowladda malahan dadka oo dhan ayaa wada leh." Ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya.

"Intii jirta cid rabta wada hadal oo leh waxaan ayaa naga dhaxeeya aan ka wada hadalno, Miiska wada hadalka waa uu furan yahay Diyaar baan u nahay." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Juxaa.

Hadalka Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Maamul Goboledyada dalka ka jiraan iyo Dowladda dhexe xiriirkooda uu yahay mid aanan wanaagsaneyn.

Comments