Booliska Somaliland oo soo saaray amaro ku aadan adkeynta ammaanka Magaalooyinka Somaliland

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa waxa ay soo saareen amaro lagu sugayo ammaanka guud ee deegaanada Somaliland, gaar ahaan caasimadda  oo ah Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Feysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay rajeynayaan amarada ay soo saareen ee ammaanka lagu sugayo in si deg deg ah ay ku dhaqan galaan.

Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska mar walba in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo ay u arkaan in ay qalqal gelinayaan ammaanka, si shacabka aysan dhibaato u soo gaarin.

“Waxaan dhammaan shacabka u sheegeynaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada guud, Ciidanka Booliska waa in looga dambeeyaa ammaanka, cidii isku dayda in ay qalqal geliso ammaanka loo dulqaadan maayo.” Ayuu yiri Afhayeen Xiis.

Bisha November ee sanadkan ayaa la filayaa in degaanada maamulka Somaliland ay ka dhacdo Doorashada guud ee Madaxweynaha, taasi oo hada uu socdo diyaar garowgeedii ugu dambeeyay.

Comments