Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday Saldhig Ciidamada Militariga ku sugan yihiin Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaalyahano ka tirsan Ururka al Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Militariga Somaliya ku sugnaayeen oo ku yaalla inta u dhaxeysa Afgooye iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saldhigan la weeraray ayaa wuxuu ku yaalla wadada Basra, gaar ahaan halka loo yaqaan Kala wareega, waxaana wararka ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda lagu kadiyay weerarkaan oo saaka aroortii dhacay.

Xoogaga Shabaab ayaa Idaacada afkooda ku hadasha waxaa laga sii daayay weerarkaasi in lagu dilay ciidamo ka tirsanaa Militariga Somaliya, kuwaasi oo tiradooda Shabaab ay ku sheegeen inay gaarayaan illaa lix askari.

Shabaabka ayaa sheegtay inay dileen lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, sidoo kalena ay halkaasi ka qaateen lix qori oo mid ka mid ah uu yahay BKM.

Majirto dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowladda wax war ah oo ka soo baxay, kaasi oo ku aadan weerarka ciidamada Shabaab ay saaka ku qaadeen Saldhigaasi ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen.

Al Shabaab ayaa kordhiyay muddooyinkaan dambe weerarada ay la eeganayaan Saldhigyada ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya.

Comments