Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada soo dooratay oo caawa lagu dilay duleedka Muqdisho

Nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu dilay agagaarka Xerada Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ninkan oo watay gaari nooca raaxada ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay dishay dabley hubeysan, iyadoona ay dableyda horey u sii kaxeysatay gaarigii uu ninkaasi watay.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Nuunow Maxamed, ayaa waxa uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ciidamada amniga oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyen baaritaan, inkastoo aysan jirin cid ay dilkiisa u soo qabteen.

Saraakiisha ammaanka, ayaan ka hadlin dilka loo gaystay ninkaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Comments