Raila Odinga oo ka haray tartanka doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya

Raila Odinga, hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisuba ay ka hareen tartanka doorashada madaxtinimda ee dalkaasi, oo 26-ka bishan lagu wado inay qabsoomto.

Raila Odinga oo galabta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in go'aankani ay qaateen, markii guddiga doorashada aanay waxba ka bedelin xubnaha guddiga. Mucaaradka Kenya waxay kol sii horeysay dalbadeen in la bedelo tiro ka mid ah xubnaha guddiga doorashada.

Raila Odinga, ayaa guddiga ku eedeeyay inaanay u hogaansamin amarkii Maxkamadda Sare, ay ku laashay doorashadii 8-dii August ka qabsoomtay dalkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashada ay u janjeeraan dhinaca xisbiga Jubilee ee dalka maamulo.

Odinga, ayaa yiri "Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaga ku guuleystaan. Waxaa cad in is bedelka uu yahay mid wax looga qabanayo khaladaadkii ka dhacay doorashadii horraantii August. Waxaa taas sabab u ah in la adeegsanayo in markale doorashada soo socoto lagu shubto. is bedel la'aan doorasho ma dheceyso."

Maxkamadda Sare Kenya, ayaa waxay amartay in doorasho ku celis ah la qabto 26-ka October.

Comments