Qaramada Midoobay oo dakaddaha aduunka ka mamnuucday Maraakiibta Afar dal

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in dunida Dakaddaha ku yaalla laga Mamnuucay afar in ay kusoo xirtaan.

Maraakiibtaan ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.

Isku dubaridaha guddiga ay Qaramada Midoobay u saartay cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi Hugh Griffiths ayaa tallaabadaas ku tilmaaamay mid aan caadi ahayn.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii hore sare u sii qaaday cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya tijabadii lixaad ee uguna xoog badnayd ee nukliyeer ah ee Kuuriyada Waqooyi samayso.

Magacyadda Maraakiibtaasi  ayaa lagu kala sheegay Mar Petrel 8, Hao Fan 6, Tong San 2 iyo Jie Shun.

Mamnuucitaanka ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay Qarammada Midoobay qabatay oo Isniintii dhacay.

Comments