Toogasho ka dhacday Jaamacad ku taal Magaalada Mombasa

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Farsamadda ee deegaanka Ukunda oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Kooxda hubeysan oo la aaminsansan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay laba qof oo ka mid ah Shaqaalaha Jaamacadda iyo sidoo kale Ciidamo boolis ah.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in ay istaageen Iridda Jaamacadda ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in ay baxsadeen raggii Weerarkaasi geystay oo dhamaa ilaa iyo 5 qof.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa ugu yaraan laba ruux inay halkaasi ku dhinteen, sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Kenya.

Comments