Shirka Madaxda Maamul Goboledyada uga socda Kismaayo oo maanta la soo gaba gabeynaayo

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maalinkii Saddexaad ka socda magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, war-murtiyeedna laga soo saaro.

Shirka oo soo bilowday Axadii ina dhaaftay ayaa shalay ilaa xalay waxaa socday doodo aad u kulul iyo qodobada shirka looga hadlayo ay isku waafaqaan Madaxda Dowlad goboleedyada.

Qodobada qaar oo laga soo xiganayo masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa waxa ay sheegayaan dhinacyada shirka in ay qorsheynayaan in la sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowlag goboleedyada.

Shirkaan oo Dowladda Federalka Somaliya dareen lixaad leh ay ka qabto, ayaa waxaa si wayn indhaha loogu haayaa waxyaabaha ka soo bixi doono Shirkaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Magaalada Kismaayo si uu ula kulmo madaxda Dowlad Goboledyada ee ku shirsan Magaaladaasi.

Comments