Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay dilka dadka rayid ah

Hay’adda xuquuqul insaanka Kenya ayaa ku y Booliska dalkaasi inay dileen dad shacab ah oo dhigaayey dibadbaxyo ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalkaasi.

Qoraal ay soo saartay hay’addan ayaa waxay ku sheegtay in la dilay dad gaaraya 37 qof, kuwaasi oo diidanaa natiijada doorashadii ka dhacday dalkaasi bishii August 2017.

Waxay tilmaamtay hay’addan in aan la eegin xuquuqda ay dadkaan leeyihiin, islamarkaana Booliska uu ku kacay fal ka baxsan xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa laashay natiijada doorashadaasi, waxaana loo ballansan yahay in 26-ka bishan ay shacabka dalkaasi u dareeraan doorasho qof iyo cod ah.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa geysta falal ka dhan ah bini’aadannimada xilliyada ay sameynayaan howlgallada.

Comments