Maamulka Sh.hoose oo sheegay inay dileen laba nin Shabaab oo rasaaseeyay gaari shacab

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose dhinaca amniga Cali Nuur Maxamed  ayaa faah-faahin ka bixiyay rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Shabaab oo rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab iyo ciidan isugu jira kaas oo maraayay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Ceelasha Biyaha.

Cali Nuur ayaa sheegay Dabagal ay sameeyeen ciidamada Dowladda inay ugu suuragashay in la helo raadka raggaan Shabaabka ka tirsanaa oo rasaaseeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah iyo ciidan.

Wuxuu sheegay Ciidamada Dowladda inay dileen labadaasi xubnood ee Shabaabka ka tirsanaa, kadib markii la ogaaday inay ahaayeen kuwii gaariga rasaaseeyay.

Rasaasta gaariga lagu furay ayaa waxaa ku dhintay  Saddex Qof oo Laba ka mida ay yihiin Odayaal .waxaynu wararku sheegayaan in  Ciidamada dowladda ay la wareegeen Gaariga ay wateen ragii weerarkaasi geystay iyaguna la dilay sida mamulka Gobalka ay warbaahinta u sheegeen.

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa soo badanaya waayahan dambe.

Comments