Qaramada Midoobay oo sheegtay ciidamada Amisom inay dileen 42 caruur ah sanadkii tagay

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amisom uu mas’uul ka ahaa dilka 42 carruur ah sanadkii hore.

“Dhibaatooyinka caruurta ee Amisom ay geysatay waxay asal ahaan ka dhaceen hawlgallada looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri Warbixintan oo la sii daayay Todobaadkan.

Sidoo kale Warbixinta waxaa lagu sheegay Ciidamada Kenya oo dagaal kula jira Al-shabaab in ay masuul ka yihiin dilka 11 caruur ah, halka Howlgalka Mareykanka uu dilay ugu yaraan hal cunug sanadkii 2016-kii.

Waxaa kaloo warbixinta QM lagu soo hadal qaaday weerarkii 25-kii August ee sanadkan xilli habeen ah Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Bariire, halkaasi oo ay ku beegsadeen 10 Qof rayid ah, oo ay ku jiraan caruur.

Ugu dambeyntii QM waxay sheegtay Ciidamada Maraykanka in gudaha Soomaaliya ay ku dileen 510 qof oo Soomaali ah tan iyo 2007-dii iyaga oo adeegsanayay weeraro kala duwan.

Comments