Ciidamada Galmudug oo nin ganacsade ah ku xiray Magaalada Cadaado

Ciidamada Galmudug, ayaa waxay maanta Magaalada Cadaado ku xireen nin ganacsade ah, oo lagu eedeeyay inuu waday olole ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Ciidamada Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegaya in ninkaasi ay ku hayaan xabsi gaar ah, welina kama aanay hadlin xarigiisa.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Liibaan Shuluq, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in amarka lagu soo xiray uu bixiyay Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf, ayaa marar badan xukuumadda ku eedeeyay inay ku hawlan tahay burburinta Maamulka Galmudug, isagoona siyaabooyin kala duwan xabsiga u dhigay dad uu ku eedeeyay inay xukuumaddu soo dirtay.

Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamulka Galmudug, ayaa waxaa toddobaadyo ka hor soo kala dhexgalay khilaaf xoogan, ka dib markii ay Galmudug taageertay xulufada Sacuudiga.

Comments