Madaxweynaha Somaliya oo qurbajoogta kula dardaarmay inay ka qayb qaataan horumarka dalka (Daawo Sawirada)

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxa uu la kulmay qurbajoogtii Magaalada Muqdisho u timid inay kaga qaybgasho shirweynaha dastuurka.

Shirkan oo Axadii lagu waday in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac illaa muddo aan la garanayn, ka dib markii ay qaadaceen Guddiyada Madaxa Bannaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha oo maanta kulan qado ahaa la qaatay qurbajoogta, ayaa wuxuu u muujiyay in uu ka xun yahay dib u dhaca shirkaasi ku yimid, isagoona kula dardaarmay inay ka shaqeeyan horumarka dalka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu qurbajoogta uu u jeediyay in ay ka qayb qaataan kaalintooda kaga aadan horumarka dalka, haddii dalka horumar lagu gaarsiin karo, dadka oo wadajira.

Madaxweynaha, ayaa qurbajoogta ka dhageystay aragtidooda ku aadan sida dalka lagu horumarsiin karo, isagoona qortay fekradihii ay u soo jeediyeen dadkii uu la kulmay oo rag iyo dumarba isugu jiray.

Comments