General Cirfiid oo kormeeray fariisimaha Ciidanka Dowladda ku leeyihiin Bariire (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), ayaa hawlo kormeer ah ku tagey Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kormeerka Taliyaha, ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii Ururka Al Shabaab ay daba-yaaqadii bishii September ay weerar ballaaran ku galeen deegaankaasi, iyagoona muddo kooban la wareegay gacan ku haynta deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil uu horkacayay, ayaa waxaa Deegaanka Bariire ku soo dhaweeyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/laahi Cali Caanood, oo maalmahaaba ku sugnaa halkaasi.

Abaanduulaha, ayaa Taliyaha soo tusiyay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Bariga & Galbeedka Bariire iyo weliba hubka u yaala fariisimahaasi.

Taliyaha, ayaa Abaanduulaha kaga mahadceliyay warbixinta uu ka siiyay fariisimaha ciidanka ku leeyihiin deegaanka iyo weliba xaaladda ay ciidanku ku sugan yihiin. Taliyaha oo la hadlay ciidanka waxa uu ku dhiirageliyay hawsha ay qaranka u hayaan.

General Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa ballanqaaday in ay dowladdu daryeeli doonto agoonta ay ka taggeen askartii ku geeriyootay weerarkii ka dhacay Bariire.

Comments